Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay tagay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Ujeedka socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inay aheyd xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed. Waxaana uu sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ka qeyb galay Xafladda sanad guurada 6-aad ee ka soo wareegtay muddada uu Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed hoggaaminayay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Labada mas’uul ayaa hadallo ay jeediyeen ku sheegay in dan Soomaaliya ay ku jirto doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka hirgasha.
Warbixintan waxaa Baydhaba ka soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.
Your browser doesn’t support HTML5