Wafdi sare oo ka socda Itoobiya oo gaaray Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaaray wafdi ka socda dowladda Ethiopia. Wafdigan ayaa waxaa hogaamineysay wasiirka gaashaandhiga Aisha Mohamed. Sidoo kale waxaa wafdigan ayaa la sheegey in ay xubno ka yihiin wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo taliye ku-xigeenka sirdoonka.

Imaatinka wafdigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadkii hore ay ka soo laabteen dalkaas wafdi ka socdey Soomaaliya oo uu hogaaminayey wasiiru dowlaha arrimaha dibada, kana mid ahaa taliyaha sirdoonka Soomaaliya.

Doodda ugu weyn ee labada dhinac ee xiligan ayey ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen in ay tahay sidii ay Ethiopia uga mid noqon laheyd ciidamada nabad ilaalinta ee AUSSOM.

Tan iyo heshiiskii December ay labada dhinac ku gaareen Ankara, waxa ay labada dal isku dayayeen sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen, xalna looga gaari lahaa arrimaha ciidamada nabad ilaalinta oo Soomaaliya ay ka hortimid in ay Ethiopia ka mid noqoto mudadii xiririka labada dal uu xumaa.

Xiriirka labada dal ayaa xumaadey ka dib markii ay Ethiopia la saxiixatey heshiis is afgarad Somaliland, taasi oo ay Ethiopia ku dooneysey marin badda ah, iyadoo taa bedelkeedana aqoonsi caalami ah siineyso Somaliland.

Xiisadda ayaa la qaboojiyey kadib markii ay Ankara heshiis ku kala saxiixdeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.