Wafti sare oo ka socda QM oo tegay Jigjiga

Wafdi uu hoggaaminayay kaaliyaha xoghaya guud ee Qaramada Midoobay, ahna isku duwaha arrimaha bani’aadannimada ee Itoobiya Dr Ramiz Alakbarov ayaa booqasho ku tegay magaalada Jigjiga.

Wafdiga ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa hawlaha gargaarka bani’aadannimada iyadoo mudnaanta la siinayo sidii dib loogu billaabi lahaa raashinkii gargaarka, iyo sidii dawladda looga taageeri lahaa barnaamijyada horumarka ah ee ay waddo.

Warkan waxaa Jigjiga kasoo diray wariye Maxamed Cabdiraxman Ugaas Gaataa.

Your browser doesn’t support HTML5

Wafti sare oo ka socda QM oo tegay Jigjiga