War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Waxaa goor dhow lagu soo geba-gebeeyay magaalada Muqdisho shirkii golaha wadatashiga qaran ee halkaas uga socday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo ay ka maqan yihiin madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Madaxdan ayaa shirkooda ka soo saaray war-murtiyeed lagu faah-faahiyay heshiis ay ka gaareen arrimaha doorashooyinka, iyagoo dhinaca kale ugu baaqay dhinacyada ka maqan golahan kulamo wada tashi oo khilaafka lagu soo afjarayo.

War-murtiyeedka waxaa aqriyay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi.

Your browser doesn’t support HTML5

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran