Warbixin ku saabsan shirka nabadda beelaha gobolka Sanaag

Hadaaftimo, Sanaag

Magaalada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag waxaa lagu qabtay shir ballaaran oo lagu dhaariyey odayaasha iyo waxgaradka laba beelood oo halkaasi dhawr jeer ku dagaalamay, iyadoo dhaarinta xubnahan labada dhinac ay tahay billowga nabadda.

Talaabadan waxa goob joog ka ahaa Maamulka Gobolka Sanaag iyo saraakiisha Ciidanka booliska iyo milatariga Somaliland.

Warkan waxaa Hargiesa kasoo diray Khadar Maxamed Cakule.

Your browser doesn’t support HTML5

Nabadeynta Ceel Afwe