Wareysi: Xaaladaha ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta madax-bannaan ee Soomaaliyeed

Somali journalists in Mogadishu, Somalia, Dec. 29, 2019.

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu halista badan ee ay suxufiyiinta caalamka ka shaqeeyaan, sida ay qabaan hay'adaha saxaafadda ku shaqada leh.

Sanadkan oo kaliya ayaa waxaa ururka suxufiyinta Soomaaliyeed FESOJ loo soo gaabiyo, uu sheegey in ilaa iyo 10 suxufi la dilay, la dhaawacay, ama la xirey iyagoo qaarkoodna shaqada laga hor istaagay. Waxa ugu dambeeyay Allaha u raxmadee C/fataax Macallin Nuur (Qeys), oo ahaa agaasimihii Somali Cable TV ee Muqdisho oo 16-kii bishan October lagu diley qarax ka dhacay maqaayad uu fadhiyay magaalada Muqdisho.

Xoghayaha ururka FESOJ Faarax Cumar Nuur, ayaa xarrunta ururka ee Muqdishu ugu warramay weriyahayaga Jamaal Axmed Cismaan, waxana uu kala sheekeystay dhibaatada suxufiyiinta ay la kulmaan, iyo sida looga gudbi karo.

Your browser doesn’t support HTML5

Xaaladaha suxufiyiiinta Soomaaliyeed