Wareysi: Culimada 'oo u istaagaya' heshiisiinta qabaa'illada Soomaalida

Sheekh Bashiir

Qaar ka mid ah culimada Soomaalida, oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa bayaan xalay ay soo sareen ku sheegay inay u istaagayaan dib heshiisiinta iyo xal u helidda colaadaha u dhexaaya qabaa’illada Soomaalida, iyo sidoo kale dardar galinta doorka ay wadaaddada diinta ku leeyihiin arrinkaas.

Culimada ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen kadib markii ay kordheen dilalka ka dhasha colaadaha iyo aanooyinka qabiillada oo gaartay heer carruur iyo arday jaamacadeed la laayo.

Colaadaha qabaa’illada ayaa ahaa kuwo muddo dheer kasoo jiray Soomaalida dhexdeeda, haddaba maxaa keenay wadaaddada diinta inay xilligaan ku baraarugaan.

Sheekh Bashiir Maxamed Salaad, oo ka mid ah culimadii shirka ka qeyb-gashay ayaa uga warramay Cabdulqaadir Maxamed Mursal.

Your browser doesn’t support HTML5

WareysI; Culimada 'oo u istaagaya' heshiisiinta qabaa'illada Soomaalida