Wareysi: Ehelada dadkii ku dhintay duqeyntii Ceel-cadde oo faah-faahin bixiyay

Magaalada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo waxaa habeen hore duqeyn xagga cir ah oo ay diyaarado ka geysteen ku geeriyoodey, Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Cabdullahi Cali, oo ahaa guddoonkii waxbarashada ee magaaladaasi iyo Sheikh si weyn looga yaqaano magaalada iyo gobolka.


Sheikh ayaa hurdayey saqdhexe markii diyaaradii ugu horeysay duqeynteeda ay ku dhacdey hooygiisa. Dhaawacyo fudud ayaa soo gaarey caruurtiisa iyo xaaskiisa.

Waxaana sidoo kale duqeyntii labaad ku geeriyoodey nin kale oo ahaa farsamoyaqaanada dhisaha guryaha.


Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka kula xariirta Cumar Sheikh Mahmuud Sheikh Cabullahi Cali oo uu adeer u yahay Sheikh geeriyoodey, waxeyna wax ka weydiisey dareenka qoyska iyo sida duqeynta ay guriga ugu soo dhacdey.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi ku saabsan duqeynta CeelCadde.mp3