Wareysi: Faah-faahin ku saabsan wax ka beddelka dastuurka

Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya cutubka koowaad ee dastuurka dib u eegista lagu samaynayo, oo ay toddobaadkan soo gudbiyeen Gudidga Madaxabannaan ee Dib u eegista Dastuurka.

Cutubka koowaad ayaa ka kooban 9 qodob, waxaana raaci doona doodda cutubyada 2-aad, 3-aad iyo 4-aad. Ilaa 80 xildhibaan ayaa la sheegay inay maanta is qoreen si ay dood uga dhiibtaan cutubka koowaad.

Haddaba qaar ka mid ah isbeddellada lagu sameeyey dastuurka iyo sida uu ku noqon karo dokumenti dhaxalgal ah ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka Burhaan Aadan Cumar.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Faah-faahin ku saabsan wax ka beddelka dastuurka