Washington —
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa wareysi uu siiyay VOA wuxuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay war-murtiyeedkii xalay kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo lagu sheegay "inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya, taas oo noqonaysa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran.
Wariyaha VOA-da Harun Macruuf oo Khadka telefonka ee magaalada Muqdisho kula xiriiray Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxa uu ugu horeyn weydiiyey sida uu u arko war-murtiyeedka.
Your browser doesn’t support HTML5