Jabuuti —
Shir looga hadlayay ilaalinta deegaanka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha, gaar ahaan sidii Soomaaliya iyo Jabuuti ay iskaga kaashan lahaayeen arrimahan ayaa lagu qabtay magaalada Jabuuti.
Somaaliya waxaa ku soo noq-noqda abaaro iyo daadad loo sababeeyo xaalufka deegaanka iyo isbeddelka cimilada adduunyada.
Shirkaasi Jabuuti lagu qabtay waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha wasaaradda deegaanka Soomaaliya Dr. Adem Ibraahim Aw-Xirsi.
Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefonka Jabuuti ku wareystay wasiirka.
Your browser doesn’t support HTML5