Muqdisho —
Illaa 39 musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana VOA u suurta-gashay inay wareysi la yeelato qaar ka mid ah oo ay wax ka weydiisay qorshayaashooda siyaasadeed.
Waxaa murashixiintaas ka mid ah Fowziya Yuusuf Xaaji Aaden, Ra’isul Wasaare ku-xigeenkii hore iyo wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya, oo ah gabadha kaliya ee ku jirta 39-ka murashax ee xilka madaxweyne u ordaya.
Wariyaha VOA-da Falastiin Axmed Iimaan oo howlo shaqo u joogta magaalada Muqdisho ayaa wareysatay.
Your browser doesn’t support HTML5