Gaarisa —
Waxaa jira tiro badan oo bulshada Soomaalida ah, oo aan duruufaha nololeed u saamixin inay waxbarasho aadaan xilliyada ay da’doodu yar tahay.
Qaar badan ayaa marka ay weynaadaan naftooda ku qanciya inay dhaafeen xilligii waxbarashada, hase ahaatee Aadan Maxamed Cumar oo ku magac-dheer Aadan Gaab, ayaa arrintaas ka soo horjeeda.
Aadan Gaab, oo markii hore ahaa nin reer miyi ah, ayaa waxbarashada dugsiga hoose billabay isaga oo ay da’diisu tahay 45 jir, wuxuuna dhameeyey haatan, isaga oo ay da’diisu tahay 57 jir, weli wuxuu naawilayaa inuu waxbarashada sii wato.
Weriyaha VOA Yaasiin Ciise Wardheere ayaa la sheekaystay Aadan Gaab.
Your browser doesn’t support HTML5