Wareysi: Noloshii iyo qaabkii uu ku dhintay weriye Maxamed Ciise Koonaa

Maxamed Ciise Koonaa

Maxamed Ciise Xasan Koona waxa uu ka mid ahaa dadka ka badan boqolka qof ee ku dhintay qaraxyadii baabuurta ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdishu kuwaasi oo lala beegsaday Wasaaradda Waxbarashada iyo isgoyska mashquulka badan ee Zoobe.

Maxamed Ciise Koona markii qaraxa koowaad dhacay ayuu ka baxay xarunta telefooshanka isagoo ku orday goobta qaraxu ka dhacay si uu indhihiisa ugu arko dhibaatada dhacday. Waxaase daqiiqado kadib uu ku dhintay qarax labaad oo ururka al-Shabaab isla goobtaas la beegsaday.

Maxamed Ciise waxa uu saxaafadda ku bartay jaamacadda Graden City University ee dalka Sudan, waxaana uu kusoo laabtay Soomaaliya sannadkii 2017-ka markii uu soo qalin jebiyey.

Wuxuu ka mid ahaa weriyayaasha telefiishanka M24. Maalinta uu geeriyooday, wuxuu qorayey warkii idaacadda laga sii dayn lahaa habeenimada, isagoo sidoo kale ka shaqaynayey warbixin maalintaas laga soo duubay shirkii Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta ee Heer Federaal iyo heer dawlad goboleed ugu soo xirmayey magaalada Muqdishu.

Maxamed waxaa qoyskiisa ay lasoo kulmeen dhibaatooyin badan. Waxa ay waalidkiis dhinteen intii ay socdeen dagaallada sokeeye. Mid ka mid ah saaxiibadiis ayaa VOA Somali u sheegay inay ku dhinteen gacan ka xaq-daran.

12-kii July sannadkii 2021-ka Maxamed waxa uu Facebook-iisa ku qoray in walaakiis Mahad ay burcad ku dishay dalka Koonfur Afrika.

Waxa uu sheegay in walaalkiis uu jeclaa inuu mar uun arko ilmo uu dhalay, balse aysan taasi dhicin.

Saxiibadiis oo uu ka mid yahay Cusmana Maxamuud Cusmana oo ah filim-qaade u shaqeeya M24 ayaa sheegay inuu jeclaa samaynta warbixinada bani’aadanimada ee u gargaara dadka baahan, sida barakacayaasha iyo dadka qaba cudurrada halista ah, ama dadka ay lasoo deristo dhibaato khaas ah.

Maxamed Ciise Xasan Koonaa uu ka tagay xaas iyo wiil lix bilood jir ah.

Haddaba Haaruun Macruuf ayaa Cusmaan Maxamuud Cusmaan ka waraystay shaqadii saxafinimo ee weriye Maxamed Ciise Koonaa.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Noloshii iyo qaabkii uu ku dhintay weriye Maxamed Ciise Koonaa