Muqdisho —
Doorashadii Soomaaliya ee muddada fog qaadatay, islamarkaana marar badan dib u dhacday ayaa lasoo geba-gebeeyey toddobaadkii tegay ayada oo la doortay madaxweyne cusub.
Doorashadaasi waxaa hogaan ka ahaa Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo intii uu daadaalka ku jiray ay soo wajaheen mushkilado iyo khilaaf kala dhaxeeyay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Mid ka mid ah wareysiyada faro ku tiriska ah ee uu Rooble bixiyay ayaa waxaa Muqdisho kula yeelatay Falastiin Axmed Iimaan oo VOA-da ka tirsan.
Your browser doesn’t support HTML5