Wareysi: Sacuudiga oo waxbarasho siiyey saraakiil Soomaali ah

Somali Security Minister

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay imtixaan u furtay 29 sarkaal oo ka tirsan laamaha amniga ee dalka iyo xubno ka socday Xeer-ilaalinta.

Dadka ku guuleysta ayaa waxay waxbarasho dibadda ah u aadi doonaan Jaamacadda Naif ku taalla Waddanka Boqortooyada Sacuudiga oo deeq waxbarasho siisay wasaaradda.

Imtixaanka oo ka socda Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wassirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali {Doodishe}.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow oo Wasiirka wareystay ayaa ugu horreyn weydiiyay imtixaankan ay furineen iyo nooca waxbarashada loo tartamayo.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga Wasiirka Amniga.m4a