Askarigii ka hortagay in khasaare culus ka dhasho weerarkii Xabsiga Dhexe

Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf

13-kii bishan ayaa maxaabiis u xkuman dabiyo la xiriira argagixisannimo ay isku dayeen inay ka baxsadaan xabsiga dhexe ee Muqdisho iyaga oo bastoolado iyo bambooyin ku waarayay ilaalada xabsiga.

Weerarkaas waxaa ku dhintay afar ka tirsan ciidanka asluubta iyo shan ka mid ah maxaabiista weerarka qaadday oo afar ka mid ah ay ku xukunnaayeen dil kadib makrii lagu helay inay gaysteen weerarro argagixisannimo.

Haddaba waxaa soo baxday in mid ka mid ah askarta dowladda ee la dilay uu ka hortagay in dhibka intaas ka bato kadib markii uu diiday in furihii xabsiga uu ku wareejiyo maxaabiista doonaysay inay baxsadaan.

Arrintan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, Af-hayeenka ciidanka asluubta.

Your browser doesn’t support HTML5

Askarigii ka hortagay in khasaare culus ka dhasho weerarkii Xabsiga Dhexe