Wareysiyo: Maxaa ka dhacay Berdaale?

Bay region, Somalia

Masuuliyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda deegaanka Berdaale ayaa sheegey in dagaalkii Sabtidii ka dhacay Berdaale uu u dhexeeyey maleeshiyo deegaanka ah iyo Maamulka Koofur Galbeed.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegey in dagaalkaasi ahaa mid ay la galeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Hadaba Falastin Ahmed Iman ayaa dagaalkaas ka wareysatey Xildhibaan Mohamed Abukar Abdi oo deegaankaas kasoo jeeda kana tirsan Golaha Shacabka, ugu horeyna waxay weydiisey waxa uu ahaa dagaalkan dhacay?

Your browser doesn’t support HTML5

Maxaa ka dhacay Berdaale?

Dhanka kale maamulka Koofur Galbeed ayaa ku adkeysanaya in dagaalku ahaa mid ay la galeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab. Falastin Ahmed Iman ayaa wasiirka Amniga Koofur Galbeed Xasan Cabdulqaadir weydiisey dagaalka Bardaale iyo cida ay la galeen.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga wasiirka