Weeraro laga cabsi qabo in lala beegsado cayaaraha Olombikada Paris

Waxaa jira digniino cusub oo ku saabsan weeraro suurtagal ah oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo Ciyaaraha Olombikada xagaaga ee Paris, oo ay ku jiraan shirqoolo argaggixiso sida kii ay fashiliyeen toddobaadkii hore saraakiisha Faransiiska.

Warbixin uu Talaadadii soo saaray urur ilaaliya internet-ka ee la yirahdo Recorded Future's Insikt ayaa lagu sheegay in inkasta oo ay suurtogal tahay in uu dhaco weerar dhanka internet-ka, haddana khatarta ugu weyn ee ciyaaraha Paris ay suurtagal tahay in ay dad ka timaado.

Warbixin uu inoo diyaariyey Jeff Seldin waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Daandurey.

Your browser doesn’t support HTML5

Weeraro laga cabsi qabo in lala beegsado cayaaraha Olombikada Paris