Afhayeen u hadlay hay'adda WFP Judith Schuler, ayaa sheegtay inay qiimeynayaan xaaladda, ayna bilaabi doonaan hawlaha qeybinta cuntada.
Afhayeen u hadlay hay'adda WFP Judith Schuler, ayaa sheegtay inay qiimeynayaan xaaladda, ayna bilaabi doonaan hawlaha qeybinta cuntada ee ay ka wadeen deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Hawlihii qeybinta gargaarka ee WFP ayaa hakad ku yimid ka dib markii rag hubeysan ay weerareen laba baabuur oo ay WFP leedahay, kaasoo lagu dilay hal qof, kuwo kalena la qafaashay.
Dowladda Itoobiya ayaa weerarkaasi ku eedeeysay Jabhadda ONLF.Mucaaradka ayaa dhinacooda ku eedeeyay weerarkaasi dowladda si ay u aamusiis shaqaalaha samafalka oo marqaati ka noqday ayay yiraahdeen, xasuuq loo geysto dadka shacabka ee gobolkaasi deggan.