Wicitaanka Dhageystaha: Sidee ayuu ku yimid heshiiska shidaalka ee Soomaaliya iyo shirkadda Coastline?

Madaxda shirkadda Coastline Exploration 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inay oggolaatay heshiisyadii wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Coastline Exploration, waxaana tallabadan ay kala qeybisay aragtida dadweynaha ee ku aaddan heshiiskan.

Dadka qaar ayaa qaba in heshiiskan uu dalka u horseedi karo horumar dhaqaale, halka kuwa kale ay ka walwalsan yihiin xilliga heshiiskan oo ay weli dalka ka jiraan colaado iyo kalsoonida lagu qabi karo habka loo maamuli doono kheyraadka.

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaan ku eegi doonnaa su'aalaha ku gadaamaan heshiiska shidaalka iyo kheyraadka Soomaaliya, waxaaan marti ku ah Maxamed Mukhtaar oo ah wasiirkii hore ee batroolka, hadana ah khabiir ka faalloda arrimaha shidaalka.

Nuur Xasan Nuur ayaa soo diyaariyay, soona jeedinaya.

Your browser doesn’t support HTML5

Wicitaanka Dhageystaha.mp3