Wicitaanka Dhageystaha: Waa sidee xaaladda cudurka Qaaxada ee Soomaaliya?

Jimcihii hore, 24-kii Maarso, waxaa dunida laga xusay maalinta caalamiga ah ee Qaaxada, waxaana sannadkan diiradda lagu saaray dhiiragelinta dabargoynta qaaxada, iyada oo laanta caafimaadka adduunka ee WHO ay sheegtay in cudurkan laga badbaadiyay dad gaaraya 74 milyan tan iyo sannadkii 2000, laakiin in tan iyo sannadkii 2021 uu dunida ku dilay 1.6 milyan oo qof.

WHO ayaa intaas ku dartay in dalalka ugu badan ee cudurkan uu dadka ku dilo ay ka mid yihiin dalalka ka hooseeya saxaraha oo ay Soomaaliya ku jirto.

Haddba waa sidee xaaladda cudurka qaaxada ee Soomaaliya? Waxaa ka jawaabayaa Dr. Abukar Cali Hilowle oo marti ku ah barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan, waxaana soo diyaariyay, soona jeedinaya Nuur Xasan Nuur.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso Wicitaanka Dhageystaha.m4a