Xafladda caleema-saarka madaxweyne Xasan Sheekh oo ka socota Teendhada Afisyooni

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Xaflada caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka socota Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdishu, waxaana kasoo qaybgalaya madax ka socota caalamka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.

Madaxda caalamka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyattam, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mustafa Madbuuli, iyo madax kale oo ka socota caalamka.

Waxaa dhinaca kale ku sugan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo caleema-saarayaa madaxweynihii 10-aad ee Soomaaliya, waaxana madaxweynihii ugu horreeyey ee mar labaad lasoo doorto.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkan loo doortay 15-ka bishii May ee lasoo dhaafay.

Waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub, isla markaana u ballanqaaday taageerada dawladda Itoobiya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo caleema-saarka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu kala shaqayn doono madaxweynaha cusub hagaajinta xiriirka labada waddan, sida ganacsiga.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu la yimid kalgacal iyo walaaltinnimo. Waxa uu sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay Soomaaliya, diyaarna u yihiin inay la shaqeeyaan.