Xamza oo sheegay in aanu burburin shirka Golaha Wadatashiga

Xamza Cabdi Barre

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii la soo dhaafay ka socday Villa Somalia uusan ku soo dhammaan natiijo la’aan, laakiin madaxdii ka qeybgashay qaarkood ay ku jiraan-la tashiyo.

Hadalkiisa ayaa yimid saacad kadib markii shalay uu shirka isaga tagay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo, ayada oo ay jiraan warar sheegaya in la isku mari waayey qaar ka mid ah qodobadii laga doodayey.

Xamza Cabdi Barre, oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ugu weynaa ee shirka looga hadlay, ayaa sidoo kale u caddeeyay shacabka inay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka.

Warbixin arrinkaasi ku saabsan waxaa Muqisho ka soo diray weriyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Xamza oo sheegay in aanu burburin shirka Golaha Wadatashiga