Xasan Sheekh: Al-shabaab waa dhilqe ee aan si wadajir ah iskaga saarno

Somalia President Hassan Sheikh Mohamud leads a demonstration at Banadir stadium, Mogadishu, Jan. 12, 2023.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka inay gacan ka geystaan sidii loo soo saari lahaa xubnaha ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee uu ku sheegay inay yihiin 'dhiqlaha.'

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii la hadlay dadweyne aad u fara badan oo isugu soo baxay bannaanbax ay soo qaban qaabisay dowladda oo looga soo horjeeday maleeshiyada Al-shabaab oo lagu qabtay garoonka ciyaaraha Ing. Yariisow ee magaalada Muqdisho oo ammaankiisa si weyn loo adkeeyay.

“Waxaan idiin kugu baaqayaa reer Muqdisho, Khawaarijtu waa idinku dhexjiraan... ee iska saara, guryihiina ayay ku jiraan, waa deriskiina, baabuur idin ku dhex maraan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dadku waa ay ka daaleen gumaadka, dilka iyo dembiyada nooc kasta leh, waxayna hadda u sheegayaan Al-Shabaab, “Intaas ka badan uma dul qaadan karno,” ayuu raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab wax yar kadib markii uu xafiiska la wareegay bishii May ee sanadkii hore.

Bilihii lasoo dhaafay ciidamada iyo maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah ayaa dib ula wareegay dhul badan oo ku yaalla bartamaha dalka, kadib howlgal ay taageerayaan duqeymaha Mareykanka iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Al-Shabaab ayaa muddo 15 sano ah dagaal dhiig badan ku daatay kula jirtay dowladda heysata taageerada caalamka, iyagoo weerarro ka geystay Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya oo ciidamada u soo diray si ay gacan uga geystaan dagaalka lagula jiro kooxda hubeysan.

AFP.