Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kor-meer ugu ambabaxay deegaannada ay ka socdaan howlallada ka dhan ka ah maleeshiyada Al-shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.
"Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada, isagoo ku bogaadinaya sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda, ugana xoreynayaan argagixisada." ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku mari doona furimaha hore ee goboollada ay ka socdaan howlgalladaas ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.
Bayaankan ayaa intaas ku daray in madaxweynuhu uu sidoo kale u kuurgeli doono xaaladda nololeed ee dadka ku nool deegaannada ay ka socdaan howgalladan.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ka socday kacdoon lagaga soo horjeedo AL-shabaab, iyada oo ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaad ka tirsan dadka deegaanka ay Al-shabaab ka xoreeyeen magaalooyiin, tuulooyin iyo deegaanno dhowr ah.