Muqdisho —
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo oo uu la fariisto Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbland iyo Puntland, oo ka maqnaa kulamada Gollaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socday.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan casho ah oo uu xalay u sameeyay mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ku sugan Muqdisho ee shirk aka qeyb-galay.
Axmed Madoobe ayaa ka qeyb-galay furitaankii shirka ee bil kahor, balse waxa uu ka baxay, oo uu Muqdisho ka tegay, kadib markii ay madaxda dowaldda isku khilaafeen qodobka la xiriira arrimaha doorashootinka.
Cabdi Casiis Barrow ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.
Your browser doesn’t support HTML5