Xeer ilaalinta Somaliland oo gudbisay dacwad ka dhan ah guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Cabdirissaq Khaliif Axmed

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa u gudbisay Golaha Wakiillada ee Somaliland in la laalo xubinnimadii Golaha Wakiillada ee guddoomiyaha golahaas Cabdirissaq Khaliif Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Dacwadda xeer ilaalinta waxaa ku saxiixan xeer ilaaliyaha Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan. Xeer Ilaalinta ayaa ku eedaysay guddoomiyaha inuu jabiyey dastuurka Somaliland.

Guddoomiyaha ayaan weli ka hadaly eedeynta loo jeediyey. VOA ayaa la xiriirtay kaaliyayaasha guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed si aanu iskugu dayno inaan waraysi ka helno guddoomiyaha, oo xilligan ku sugan magaalada Laascaanood, waxaana uu kaaliyahaasi noo sheegay inaanu xilligan ka hadlaynin dacwaddan laga gudbiyey.

Warkan waxaa Hargeysa kasoo diray Khadar Maxamed Cakulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Xeer ilaalinta Somaliland oo gudbisay dacwad ka dhan ah guddoomiyaha Golaha Wakiillada