Xildhibaanada shahaadada la siiyey ee Soomaaliya oo dhaafay 200
Muuse Geelle
Muqdisho —
Guddiga doorashooyinka oo shahaadooyin siiyey ilaa 204 xildhibaan ayaa sheegay in ay ku guda jiraan qaban qaabada munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka oo dhaceysa 14-ka April.
Arrintan ayaa imaneysa illi weli goobta ka maqan yihiin xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed laga soo doortay oo tiradoodu ay kor u dhaafeyso ilaa 70 xubnood.