Laba ka tirsan maleeshiyada Daacish oo hore Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay dil toogasho ah ugu xukuntay ayaa goor dhaweyd ee saaka ah lagu toogtay magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida C/llaahi Buulle Kaamey.
Aadan Maxamed Cali iyo Maxamed Cali Maxamed ayaa sida maxkamadu sheegtay waxay dilal qorsheysan ka fuliyeen magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, halkaas oo ay si gooni-gooni ugu dileen shakhsiyaad isku jira rayid iyo shaqaale dowladeed.
Aadan Maxamed Cali ayaa lagu helay dambi ah inuu dilay 5 qof, halka Maxamed Cali Maxamed lagu helay dilka hal qof.
Waa toogashadii labaad oo lagu fuliyo xubno u xirnaa dambiyada aragagixisanimada oo toddobaadkan ka dhacda fagaaraha iskuul boolisiya ee magaalada Muqdisho, waxaana Isniintii sidoo kale la toogtay Shuceyb Cabdi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Cumar oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar.
Your browser doesn’t support HTML5