Xulka Brazil oo loo magacaabay tababare ku-meel gaar ah, welina baacsanaya Ancelotti

SOCCER-WORLDCUP-CRO-BRA/REPORT

Tababaraha kooxda Fluminense Fernando Diniz ayaa loo magacaabay inuu si ku-meel-gaar ah u hoggaamiyo xulka Brazil, halka xiriirka kubada cagta qaranka ee (CBF) uu weli baacsanayo tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti.

Qandaraaska halka sano ah ee tababare Diniz ayaa billaabanaya ciyaaraha isreebreebka Koobka Adduunka 2026 ee Sebtembar, sida uu sheegay xiriirkaa CBF.

"Waa darajo qof kasta ku riyoodo inuu noqdo tababaraha Brazil. Sharaf weyn bay ii tahay inaan u adeego xulka qaranka" ayuu Diniz ku yiri muuqaal lasoo dhigay shabakadda warbaahinta Brazil ee Globo.

Xiriirka Brazil ee CBF ayaa wali ku raad jooga tababaraha Real Madrid Ancelotti si uu u noqdo macallinkooda cusub mustaqbalka fog, ayay qortay Globo.

Globo, oo soo xiganeysa guddoomiyaha CBF Ednaldo Rodrigues, ayaa sheegay in tababaraha reer Talyaani uu la wareegi doono xulka Brazil ciyaaraha Copa America ee 2024, kuwaas oo Juun 20-keeda ka billaabanaya Mareykanka.

Carlo Ancelotti ayaa Madrid kula jira heshiis dhacaya 2024, waxaana uu sheegay inuu ixtiraami doono sanadka ugu dhimman heshiiskaas.

Reuters.