Iran ayaa maanta ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq.
Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ee Iran ay taageerto ayaa gantaallo ku qarqisay waqooyiga Israel Arbacada maanta ah, kuwaasi oo qof rayid ah uu ku dhintay, kadib markii Israel ay weerar dhimasho leh ka fulisay Koonfurta Lubnaan.
Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlinka ayaa sheegay inuusan jawaab ka bixineyn sheegashada kooxda Daacish ee ah inay ka dambeysay weerarkii dadka badan lagu laayey ee lagu qaaday hool ku yaalla Moscow.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Khamiistii sheegay in waddada ku wajahan xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, oo uu dib u dhigay dagaalka Gaza, ay hadda aragto horumar wanaagsan.”
Ciidamada ammaanka dowladda Itoobiya ayaa 45 qof oo rayid ah ku dilay “xasuuq” ka dhacay gobolka Amxaara, dabayaaqadii Janaayo, waxaa sidaas maanta sheegay Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHCR) ee dowladda ku xiran.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa maanta lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, wax ka yar laba toddobaad kahor inta aanay dalka ka dhicin doorasho laga xanibay xisbigiisa.
Maxkamad ku taalla Tehran ayaa ku xukuntay dowladda Mareykanka inay bixiso ku dhawaad $50 bilyan oo ah magdhowga dilka taliyihii ugu sarreeyay Iran ee ku dhawaad afar sano ka hor, waaxda garsoorka ayaa sidaas sheegtay maanta.
Maxkamad ku taalla magaalada Baqdaad ayaa Axaddii iyada oo maqan toddoba sano oo xarig ah ku xukuntay gabadha dibad-jooga ah ee uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, sababo la xiriira inay “buun-buunisay” xisbiga Bacath ee aabaheed.