Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulugga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ururisay caddeymo muujinaya in maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye oo kala duwan ay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayaan biyaha Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay fuliyeen sirdoonka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in la xiray ciidan ku lug lahaa shaqaaqo xalay ka dhacday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, oo ay ku dhinteen toddoba qof.
Kooxda Kansas City Chiefs ee ka dhisan gobolka Missouri ayaa xalay ku guuleysatay cayaarta Super Bowl-ka ee ama kama dambeysta horyaalka NFL ee dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka maalintii ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa mar kale maanta gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socda wejiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur-galbeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Muqdisho 23-26 Jannaayo 2023, ayaa maanta lasoo geba-gebeeyey, waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah.
Maamulaha hay’adda USAID ee Mareykanka, Samantha Power ayaa 24-kii Janaayo la kulantay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheega warsaxaafaded kasoo baxay hay’adda.
Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa maanta si rasmi ah u billaabay hanaan lagu qiimaynayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ku biirto bulshada iyo in kale.
Militariga Mareykanka ayaa sheegayi in duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen xubno ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku cambaareysay Sweden inay xagjiriin dalkeeda ku sugan u ogolaatay inay nuqul ka mid kitaabka qur’aanka kariimka ku gubaan dibadbax ka dhacay magaalada Stockholm.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka ee mucaaradka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday ciidamada Soomaaliyeed ee dhowaan laga soo celiyey dalka Eritrea, kuwaas oo ku xareysan Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidankeeda ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo colaadda ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ka jawaabay dhalleeceynta Reer Galbeedka ee ku aadan xayiraadda siyaasadeed ee lagu soo rogay duqa magaalada Istanbul kahor doorashooyinka guud ee sanadka dambe.
Guddiga Aqalka Wakiilada Mareykanka, ee baaraya weerarkii 6-dii Janaayo 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka, ayaa Isniintii weydiistay dacwad-oogayaasha inay dacwado la xiriira afar dambi kusoo oogaan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.
Wadahadalladii ay dhex-dhexaadineysay Ciraaq ee u dhaxeeyey Iiraan iyo Sacuudi Carabiya ayaa hakaday, sababo la xiriiira eedeymaha Tehran ee ah in Boqortooyada ay kaalin ku leedahay kicinta dibad-baxyada ka socda dlkaas, waxaa sidaas sheegay mas’uuliyiin Ciraaqi ah.
Baarlamanka Midowga Yurub ayaa maanta u codeeyey inuu xilka ka qaado mid ka mid madaxweyne ku-xigeenadiisa Eva Kaili, sababo la xiriira fadeexad musuq-maasuq oo la tuhunsan yahay inay la xiriirto Qatar.
Kuwo kale