Shirka guud ee golaha loo dhanyahay ee qaramada Midoobay ee ka Socda Magaalada New York ayaa arrimaha sanadkan culayska la saaray waxaa ka mid ah arrinta qaxootiga caalamka.
Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku maqli doontaan Q. 3aad wareysiga fanaanka Mursal Muuse, iyo sidoo kale sheekooyin xiiso leh oo ay ku jirto haweenka dalka Zimbabwe oo marka ay Isbitaalka ku umulayaan laga qaado lacag saa'id ah.
Xaaladda caafimaad ee madaxweynihii hore ee dalka Koofur Afrika, Nelson Mandela ayaa ka sii dartay 24-kii saac ee al soo dhaafay, iyadoo muddo ka badan laba toddobaadna uu ku jiray cisbitaal ku yaalla magaalada Pretoria ee dalkaasi.
Magaaladan Washington waxaa shalay ka furmay kulanka qurbta joogta caalamiga ah ee ku nool dalka Mareykanka, kaasoo ay soo qabanqaabisay hay'adda USAID, ayaa waxaa ka qeyb galay qurbo joog Soomaali ah.
Barnaamijka Caweys Washington waxaad todobaadkan ku maqli doontaan Q. 1aad ee wareysi xiiso badan oo aan la yeelanay Fanaanka Cabdinuur Aadan Daljir, iyo dabcan sheekooyinkii xiisaha lahaa ee aad Barnaamijka uga barateen.
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta daggan ka dib markii uu halkaasi dagaal dhaliyay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.
Shir la sheegay in loo qabtay Soomaaliya oo ay lahaayeen madaxda urur-goboleedka IGAD ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana shirkaasi ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya.
Warbixin ka soo baxday Bangiga Aduunka ayaa looga hadlay xaaladda burcad-badeednimada Soomaaliya taasi oo loogu magac daray “Ciribtirka Khatarta iyo Dib-u-dhiska Qaranka”.