Afhayeenka madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa sheegay in shir-madaxeedka Mareykanka iyo Afrika uu madaxda qaaradda siin doono fagaare ay ku cabbiraan fikradahooda ku aaddan sida ganacsiga Mareykanka iyo Afrika uu horumar u gaari karo, gaar ahaan aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rasmi ahaan u xaqiijiyey in ciidamada dowladdu ay la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellada Dhexe.
Telefishinka Aljazeera ayaa Talaadadii sheegay inay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada u gudbisay dacwad ka dhan ah ciidamada Israa’iil oo ku saabsan dilka weriye Shireen Abu Akleh, oo lagu toogtay weerar ay Israa’iil ku qaadday Daanta Galbeed bishii May.
Xulka K/cagta ee Morocco oo awooddiisa kusoo bandhigay Koobka Adduunka ayaa noqotay mid ka mid ah lama filaanka ugu weyn ee tartankan, kadib markii ay kusoo baxeen kaalinta koowaad group ay ku jireen Croatia oo timid finalkii koobkii 2018 iyo Belgium oo timid semi-finalka.
Shixnaddii ugu horreeyay ee qamadi ah oo ka timid Ukraine ayaa Isniintii shalay gaartay waddanka Djibouti, iyadoo la gaarsiin doono dalka deriska ah ee Itoobiya, xilli ay gobolka ka jirto abaartii ugu xumayd muddo tobannaan sano ah.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa shaqada ka joojiyay afar ka mid ah guddiga doorashada oo diiday in ay taageeraan guushii uu ka gaaray doorashadii bishii August ka dhacday dalkaasi, sida ay madaxtooyadu sheegtay, isaga oo sameeyay guddi baaritaan ku sameeya xubnahan.
Dowladda Uganda ayaa isbitaalka ka saartay bukaankii ugu dambeeyay ee cudurka Ebola, sida uu sheega sarkaal sare oo ka tirsan waaxda caafimaadka Jimcihii, taasoo sare u qaadeysa rajada laga qabo in cudurkan oo dilay ugu yaraan 56 qof uu soo afjarmi karo.
Xulalka Ghana iyo Uruguay ayaa ka haray Koobka Adduunka, kadib markii ay wada ciyaareen kulan adag oo ka tirsanaan qeytbta H, waxaana kulankaas 2-0 ku adkaaday Uruguay, hase yeeshe laduba waxay ka huleeleen Qadar.
Koobka Adduunka ayaa maraya meel xiiso leh, waxaana shalay ka haray xulka Germnay oo afar jeer ku guulestay koobkan, iyada oo maantana la ciyaari doono kulamo kale oo adag.
Xulka afarta jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa mar kale laga saaray Koobka Adduunka ee heerka guruubyada, afar sano kadib markii ay sidan oo kale waji gabax kala kulmeen koobkii lagu qabtay Ruushka, xilligaas oo ay difaacaneenayeen koobka.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa Arbacadii u sheegay dhiggiisa Turkiga inay si weyn uga soo horjeedaan howlgallada cusub ee ciidamada Turkigu ka wadaan Suuriya, wuxuuna walaac ka muujiyay xaaladda sii kordheysa ee gobolka, sida uu sheegay Pentagon-ka.
Waxaa maanta la ciyaariyaa kulamada saddexaad ee groupyada E iyo F, oo ah kuwii ugu dambeeyay qeybahan, waxaana qeybta E ciyaar adag isaga hor imaan doona Costa Rica iyo Germany, halka Spain ay foodda dari doonto Japan.
Halyeeyga kubadda cagta Brazil Pele ayaa mar kale isbitaal la dhigay, si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo buro dhinaca mindhicirka uga soo baxday sanadkii hore, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxday dhaqaatiirtiisa.
Xulalka Senegal, Mareykanka, Holland iyo England ayaa u soo gudbay weeragga 16-ka ee Koobka Adduunka, kadib markii ay soo badiyeen kulamadii saddexaad ee ay ciyaareen.
Waraka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax iyo rasaas laga maqlay aagga Godka Jilicow iyo Villa Rays. Qaraxan ayaa la sheegay in ay xigtay rasaas. Qaraxa ayaan weli la ogayn waxa sababay. Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ay goobta joogaan.
Mas’uuliyiinta magaalada Hobyo ee maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 20 qof oo u kala dhashay Pakistan iyo Iran oo sheegay inay ahaayeen kalluumaysato laga qabtay xeebaha Soomaaliya.
Xulka Marocco ayaa 2-0 uga badiyay xulka Belgium ciyaar ka tirsaneyd qeybta F ee Koobka Adduunka, waxaana labada gool ee guusha ee dhaliyay Abdelhamid Sabiri iyo Zakaria Aboukhlal.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in goolkiisa u danbeeya uu yahay in uu yeesho awoodda ugu badan ee hubka nukliyeerka, isaga oo dallacsiiyay toboneeyo sarkaal oo militari ah, kuwaasi oo ku lug leh tijaabooyinkii dhowaan ee gantaallaha qaaradaha isaga gudba.
Tababaraha xulka Saudi Arabia Herve Renard ayaa sheegay in aysan jirin qof adduunka ku nool oo ku fikiray in kooxdiisu ay qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigi doonto, inkastoo ay guuldarro 2-0 ah kasoo gaartay kulankii Poland ciyaar ka tirsaneyd Koobka Adduunka ee Group C Sabtidii.
Laacibka xulka Argentina Lionel Messi ayaa bareejeeyay goolashii uu Diego Maradona u dhaliyay xulka Argentina Koobka Adduunka sabtidii iyo sidoo kale kulamadii uu ka saftay koobkaas.
Kuwo kale