Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay shilka diyaarad Helicopter ah oo u kireysneyd, isla markaana 'wadday daadgureyn caafimaad' taas oo ku dhacay deegaan ka tirsan Galmudug, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska UNSOM.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Puntland, kadib markii uu ku guuleystay 45 cod wareeggii saddexaad ee doorashad madaxweynaha, halka uu 21 cod helay Guuleed Saalax Barre oo kula tartamay wareegga saddexaad.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jaamacadda Carabta ka dalbatay shir degdeg ah oo ay iskugu yimaadaan wasiirrada arrimaha dibadda ururkaas 'si ay uga wadahadlaan cawaaqibka ka dhalan kara in si sharci-darro ah loo dhammeeyo heshiiska is-afgaradka ah ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland'
Af-hayeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in dawladda Maraykanku ay ka walaacsantahay xiisadda ka jirta gobolka Geeska Afrika.
Naadiya Maxamed ayaa loo dhaariyay duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota, kadib xaflad ka dhacday xarunta magaaladaasi, taas oo ay kasoo qeygbaleen boqollaal ka tirsan Soomaalida gobokaasi oo ay ku jireen xubnaha la doorto.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheehkh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay go'aankii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ahaa in Puntland ay ku laabaneyso nidaamkii hore ee ay beeluhu soo dooranayeen xlidhibaannada.
Ra'isul Wasaaraha dowladda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa safar la xiriira 'u kuurgelidda xaaladaha bini'aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay Jubaland, dardar-gelinta howl-galka wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab' ku tagay magaalada Kismaayo.
Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Africa ee EAC, iyaga oo ku tilmaamay 'guul kale oo u soo hoyatay wadadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka.'
Dowladda Soomaaliya ayaa safiirkii ugu horreysay ee ebid u dirtay waddanka Eritrea, waxaana loo magacabay Cumar Idiris, oo horey u ahaa Safiirka Qatar, waxaana waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Jimcihii madaxeynaha dalkaas Isaias Afwerki.
Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa xalay guuldarro kala kulmay ciyaartii ugu horreysay ee isreeb-reerbka Koobka Adduunka ee sannadka 2026 lagu qaban doono dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico, kadib markii xulka Algeria uu 3-1 uga badiyay ciyaar ka dhacay garoonka Nelson Mandela.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka oo kaashanaya UK ay cunaqabateyn kusoo rogayaan shakhsiyaadka iyo hay'daha taageera Xamaas iyo ururka Islamic Jihad ee Falastiin, sida uu ku sheegay qoraal uu Talaadada maanta ah soo dhigay bartiida X.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii degdegga ahaa oo golaha wasiiraddu ka yeesheen 'qiimeynta iyo gurmadka muwaadiniinta ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadka xooggan ee ku soo rogmay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.'
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcaha maanta ah magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Sacuudiga iyo Afrika, waxaana uu khudbaddiisa ku sheega in Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-shabaab ay haysato mustaqbal fiican.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono saddex shir oo 'intooda badan looga hadlayo xaaladda shacabka Falastiin.'
Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneosta ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas.
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay dawladda Soomaaliya, kaas oo ah in dalka la siiyo gargaar lacageed, iyadoo la raacayo barnaamijka waddamada dakhligooda gudaha hooseeyo ee taageerada u baahan.
Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maqribkii lagu dilay la ka mid ah ganacsatada magaalada, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Saciid Tahliil Maxamed iyo Sheekh Xasan Diirshe.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashada ku jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya, ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Midowga Yurub Charles Michel.
Kuwo kale