Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa Khamiistii gaaray caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, isagoo la kulmay mas’uuliyiin uu ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Muttaqi.
Xulka Kubadda Cagta Talyaaniga ayaa ka haray Koobka Adduunka, kadib markii 1-0 uu uga adkaaday waddanka North Macedonia ciyaartii isreebreebka ee semi-finalka ee ka dhacday garoonka Renzo Barbera iyadoo daqiiqaddii 92-aad ee dhammaadaka ciyaarta uu Aleksandar Trajkovski ka dhaliyay goolka guusha.
Mareykanka ayaa sheegey in xubno ka tirsan ciidamada Ruushka ay dambiyo dagaal ka geysteen dalka Ukraine, sida uu sheegey xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken Arbacadii.
Madeleine Albright, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Xoghaye Arrimaha Dibadda ka noqota Mareykanka, ayaa u geeriyootay cudurka Kansarka, sida qoyskeeda ay Arbacadii shaaciyeen, waxayna aheyd 84-jir.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa doonaya inuu ka qaybgalo shir madaxeedka G20 oo ay martigelinayso Indonesia dabayaaqada sanadkan, sida uu sheegay safiirka Ruushka u fadhiya magaalada Jakarta ee dalka Jakarta.
Maraykanka ayaa si aan rasmi ahayn ula soo qaaday dowladda Turkiga suurtogalnimada haddii ay Ukraine u dirto gantaalaha difaaca hawada ee S-400 ee uu Ruushku sameeyay, si ay uga caawiyaan la-dagaallanka ciidamada Ruushka ee kusoo duulay, sida laga soo xigtay saddex ilo wareed oo arrintan la socday.
Bangiga Horumarinta Afrika ee AfDB ayaa xaqiijiyay lacag dhan 32.8 bilyan oo doolar oo lagu maalgelinayo mashaariicda qaaradda Afrika, sida uu guddoomiyaha bangigaas ka sheegay xiritaanka shir uu la yeeshay maalgashadayaasha.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa uga digay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping jimcihii 'cawaaqib xumo' haddii Beijing ay taageero agab ah siiso duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyado labada dhinac ay ka wadahadleen baahida loo qabo xal diblomaasiyadeed, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ka jawaabay codsigii Ukraine, kadib markii uu saxiixay $800 milyan oo gargaar ah oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo hub iyo qalabka difaaca ah.
Maamul goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa ka horyimid go'aan shalay kasoo baxay guddiga doorashada heer Federaad, kaas oo lagu faah-faahiyay dhammeystirka xildhibaannada Baarlamaanka ee labada Aqal, waxayna sheegeen in Madasha Wadatashiga Qaran ay leedahay go'aanka dhammeystirka.
Ciidamada Ruushka ayaa Axadii duqeeyay saldhig militari oo ku yaal galbeedka Ukraine, iyagoo weerarkoodu kusoo dhawaaday xadka dalka Poland, iyada oo diblomaasi sare oo Ruush ah uu ka digay in Moscow ay u tixgelineyso qalabka milatariga ee Ukraine uga imanaya dadlka kale "bartilmaameed sharciga ah."
Sarreeye Guuto Muhoozi Kainerugaba oo ah wiill uu dhalay Madaxweynaha Uganda ayaa Talaadadii sheegay inuu ka fariistay ciidamada militariga, tallaabadaas oo dad badan ay u arkaan inuu isu diyaarinayo inuu u tartamo Madaxtinimada dalka Uganda sanadka 2026-ka.
Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u doortay dacwad-oogihii hore ee maxkamadda dambiyada caalamiga ah inay hoggaamiyo guddi baaraya xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay waqooyiga Itoobiya.
Ruushka iyo Ukraine ayaa Khamiistii ku heshiiyay fududeynta howlaha gargaarka bini'aadinimo, si loo caawiyo dadka rayidka ah ee ka baxsanaya duullaanka Moscow ee galay maalintii siddeedaad, taasoo ah horumarkii ugu horreeyay ee laga gaaro wadahadallada labada dal.
Maraykanka ayaa bilaabay wadahadallo uu la yeelanayo waddamada Islaamka ah, si uu ugu dhiiragaliyo inay hormuud u noqdaan sidii ay cadaadis ugu saari lahaayeen hoggaamiyayaasha Taalibaan inaysan dumarka Afghanistaan ka saariin nolosha caadiga ah, iyaga oo adeegsanaya magaca diinta.
Iyadoo Ruushku uu sii wado duqeymaha ay ku hayaan magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, isla markaana ay go’doomiyeen labo dekedood oo istiraatiiji ah ayaa Qaramada Midoobay waxa ay khamiista maanta ah sheegtay in inka badan 1 milyan oo qof ay ka qaxeen Ukraine kadib duullaankii Ruushka.
Ganacsadaha u dhashay waddanka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa Arbacadii sheegay inuu iska iibin doono kooxda kubada cagta ee Chelsea, 19 sano kadib, wuxuuna ballan qaaday in uu lacagta kasoo xaroota ugu deeqi doono dhibbanayaasha dagaallada ka dhacay dalka Ukraine.
Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay 112 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kharkiv ee bariga Ukraine, sida uu Arbacadii sheegay guddoomiyaha gobolka Oleg Synegubov.
Aqalka Sare ee Nigeria ayaa Talaadadii u codeeyay in la diido isbedel lagu sameeyay dastuurka, si qurbajoogta loogu oggolaado in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka guud, halka qodob dhigayay in haweenka loo qoondeeyo kuraas gaar ah si ay u kordhiyaan matalaadooda siyaasadeed uu isna fashilmay.
Afhayeenka Xuukumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Moalimuu ayaa maantaa magaalada Beledweyne loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya, kaddib markii uu ku soo baxay doorashada kurigai HOP068.
Kuwo kale