Ukraine ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ciidamada Ruushku ay “dib u gurasho degdeg ah” ka sameynayaan aagga waqooyi ee ku hareereysan caasimadda Kyiv iyo magaalada Chernigiv xilli ay hay’adda Laanqeyrta Cas isku diyaarineyso dadaal cusub oo ay dadka kaga daadgureyneyso magaalada Mariupol
Hogaamiyaha Militariga ee Sudan General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ku hanjabay in uu dalka ka eryi doono wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, oo uu ku eedeeyay in uu ka tallaabsaday shaqadii loo igmaday.
Shan qof ayaa dhintay saddex kale, oo uu ku jiro nin u dhashay dalka Shiinaha, dhaawacmay ka dib markii rag hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen goob uu dhisme ka socday oo ku taalla gobolka xeebta ah ee Kenya, sida ay booliisku ku warrameen.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in masjid ku yaalla magaalada dekedda leh ee Mariupol ee koonfur-bari dalkaasi oo gabbaad ay ka dhiganayeen ilaa 80 qof oo rayid ah ay duqeeyeen ciidamada Ruushka, sida ay warisay wakaaladda wararka AFP.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay guddi qiimeyn ku soo sameeya xaaladda magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, halkaasi oo ah magaalada labaad ee lagu dooranayo xubnaha baarlamaanka federaalka ee matalaya Jubbaland.
Ethiopia ayaa Axadda berri ah bilaabeysa in ay koronto ka dhaliso biyo-xireenkeeda muranka badan dhaliyay ee wabiga Nile-ka Buluuga, sida ay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen wakaaladda AFP. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in berri ay bilaabayaan in tamar laga dhaliyo biya-xireenka.
Hoggaamiyaha labaad ee ugu awoodda badan Sudan oo Sabtida maanta ah booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay wasiirka gaashaandhigga Ethiopia, waxayna booqashadan naadirka ah ay imanaysaa iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xuduudda u dhaxeysa labada dal, sida ay saraakiishu sheegeen.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay “in si degdeg ah loo sii daayo” markab uu ka babanayo calanka Imaaraatka iyo shaqaalihii la socday oo ay Xuutiyiinta Yemen haystaan tan iyo bilowgii January. Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee taageeraya dowladda caalamku aqqoonsan yahay..
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii u codeeyay in la kordhiyo barnaamij u oggolaanaya ciidamada badda caalamiga ah in ay la dagaalamaan kooxaha burcad badeedka ah ee xeebaha Soomaaliya, balse muddo saddex bilood oo kali ah ayaa la cusbooneysiiyay, iyadoo Soomaaliya ay dooneyso...
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, iyadoo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah loo magacaabay Cabdi Siciid Muuse oo hadda ahaa Agaasimaha Guud Madaxtooyada.
Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah ugu oggolaatay ganacsiyada in ay furnaan karaan xilliyada la tukado shanta salaadooda. Go’aankan ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah faafista coronavirus waxaana looga gon leeyahay in laga fogaado “saxmadda iyo safafka dhaadheer..."
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa looga hadlay hadal-jeedintii baarlamaanka ee Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, hadalkaas oo ay Madashu ku sheegtay mid xanbaarsanaa muddo kordhin loo sameeyo hogaanka dalka.
Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani, ayaa Axadda maanta ah sheegay in dalkiisu uu wajahayo sanadkiisii ugu adkaa sababtoo ah cunnaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19. Isniintii la soo dhaafay ayaa lacagta Iran waxa ay gaartay heerkeedii ugu hooseeyay abid
Mareykanka ayaa wali ah dalka diiwaangeliyey tirada ugu badan ee Coronavirus caalamka oo dhan, waxaana kiisasku ay kor u dhaafayaan 2.4 milyan. Brazil ayaa ku jirta kaalinta labaad waxayna diiwaangelisay 1.2 milyan oo kiis.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadkaas ay kala joogaan Somaliland oo 15 kiis ah, Puntland oo 6 kiis ah, iyo gobalka Banaadir oo 3 kiis laga soo wariyey.
Afhayeenka Aqalka Cad, Judd Deere, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku yiri “Madaxweyne Trump wuxuu mar kale hoosta ka xarriiqay walaaca ah in faragelinta shisheeyaha ee Libya ay xaaladda uga sii dareyso, iyo baahida loo qabo in si deg deg ah loo qaboojiyo xiisadda.”
Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu isbadal xagga sharciga ah u sameeyey xarun warbaahineed, taas bedelkeedana ay warbaahintaasi tebin doonto warar aan xanaf laheyn oo ku saabsan xafiiska ra’iisulwasaaraha.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa xalay jeediyey laba khudbo oo uu u jeediyay ardayda dugsiyada sare sanadkan dhameysatay iyo kuwa jaamacadaha.
Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Muhyiddin Yassin ayay baarlamaanka dalkaasi u qaadi doonaan codka kalsoonida 18-ka bishan May, xilli uu ku howlanaa la tacaalidda coronavirus tan iyo markii uu noqday madaxa isbahaysiga cusub ee haatan talada haya laba bilood ka hor.
Kuwo kale