Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilhan Cumar oo sheegtay in deyn khafiifin loo sameeyey Somalia


Ilhan Cumar oo ka tirsan Aqalka Hoose ee koongareeska Maraykanka ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in qaraar tirsigiisu yahay HR1158 lagu ansixiyey in dayn khafiifin loo sameeyo dalka Somalia.

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa tiri, “Aad baan ugu faraxsanahay in aan awood u helnay in Somalia deynta laga khafiifiyo. Somalia waxay dusha ku wadatay deymo baabi’iyey, kuwaas oo dhaqaalaha dib u dhigay, malaayiin Soomaali ahna sabool ka dhigay.”

Waxay intaas raacisay “Taasi ma saameynayso Soomaalida ku nool Somalia oo kaliya ee waxay sidoo kale saameysay kumanaan Soomaalida Maraykanka ah oo ku nool degmadeyda, kuwaas oo qoysas ku leh gobolka.

Ilhan Cumar ayaa intaas ku dartay “Deyn khafiifintani waa tallaabo weyn oo xaqiijinaysa horumarka wanaagsan ee Somalia ay sameysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.”

Xildhibaan Ilhan Cumar waxa kale oo ay tiri “Tani waa in ayna noqonin dhamaadkii ee ay bilow u noqoto cusbooneynsiinta xiriirka diblomaasi ee dalkaas lala lahaa.”

Ilhan waxay hadalkeeda ku soo gabgabeysay “Deyn khafiifintu waa tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday, waxaanan u hanqal taagayaa in aan sii wado sidii aan uga shaqeyn lahaa in la helo Somalia xor ah, nabad ah oo dimoqraadi ah, taas oo aan dhammaanteen dooneynay inaan aragno.”

Ma cadda in qaraarkan uu farayo in la cafiyo dhammaan daynta uu Maraykanka ku leeyahay Soomaaliya oo lagu qiyaasay 1 bilyan oo dollar iyo inuu khuseeyo qayb ka mid ah dayntaas.

XS
SM
MD
LG