Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Hoose oo u codeeyey in Trump xilka laga qaado


Aqalka hoose ee Congress-ka maraykanka ayaa u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa lagu soo eedeeyey labo qodob oo kala ah: 1) - Inuu ku takri falay awooddii madaxweynenimo, iyo 2) - Inuu horjoogsaday codsigii Congress-ka ee ahaa inuu soo gudbiyo waraaqaha uu goluhu codsaday.

Codbixintii qodobka koowaad ayaa waxa natiijadiisu ahayd 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday. Qodobka labaad ayaa waxa taageeray 229 mudane, halka 198 mudane oo iyagu diideen.

Eedaha ka dhanka ah Trump ayaa waxaa xuddun u ah inuu cadaadis saaray Ukraine, isaga oo celiyey kaalmo Mareykanka ugu talo-galay oo ahayd 391 milyan oo dollar, si uu ugu qasbo inay baaritaan ku sameeyaan Joe Biden oo ay suurta-gal tahay inuu kula loolamo doorashada 2020.

Madaxweyne Trump waa uu beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey. Waxa uu sheegay inuu wada-hadalladii uu la yeeshay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ay ahaayeen kuwa aan wax dhib ah ku jirin.

Hoos ka dhageyso warbixino ku saabsan taariikhda xil-ka-qaadis ee Mareykanka, fallanqeyn, iyo aragtida Soomaalida Mareykanka.

Aqalka Wakiilada oo ansixiyey xil-ka-qaadista Trump
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:32 0:00



XS
SM
MD
LG