Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxyo kasii daraya oo curyaamiyey Iraq


Dibad-baxayaasha Iraq ayaa maanta sare u qaaday banaan-baxyada ay wadaan, ayada oo mas’uuliyiinta Baghdad ay sii noqonayaan kuwa tabar-darran oo raadinaya hab ay uga baxaan is-marin waagan siyaasadeed.

Fagaaraha Tahrir ee magaalada caasimadda ah ayaa mar kale waxay dadka billaabeen inay buuxiyaan, ayaga oo caddeynaya inay kasoo horjeedaan magacyada dad la sheegay in loo diyaarinayo inay qabtaan xilka ra’iisul wasaaraha.

Sawirrada dadkan oo la dul saaray caalamad is-tallaab ah oo gaduudan ayaa lagu dhejiyey dhismooyinka iyo teendhooyinka ku yaalla hareeraha goobta dibad-baxa uu ka socdo.

Dibad-baxayaasha ayaa sidoo kale xanibay waddooyinka magaalooyinka waa weyn ee koonfurta dalka, illinnada iskuulada, jamaacadaha iyo dhismayaasha dowladda.

Kadib markii ay xoogaa qaboobeen, dibad-baxyada ayaa dib usoo xoogeysatay dhowaan, ayada oo shacabka ay doonayaan inay xididada u siibaan nidaam siyaasadeed oo ay ku sheegeey inuu musuq-maasuq ku xididaystay.

Waxaa weli socda oo la isku mari la’yahay wada-xaajoodyo ku saabsan musharaxii beddeli lahaa ra’iisul wasaare Adel Abdel Mahdi oo is-casilay bishii November kadib dibad-baxyada.

AFP

XS
SM
MD
LG