Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masjidka Soomaalida ee St. Paul oo la weeraray


Masjid ku yaalla magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa sabtidii 21-ka December weeraray nin caddaan ah, sida ay sheegeen maamulka.

Ilaalada iyo maamulka Masjidka Darul-Imaan ayaa sheegay in xilli aroor hore ah uu Masjidka soo galay qof caddaan ah kadibna darbiyadiisa uu ku qorey hadalo naceyb ah. Waxay sidoo kale sheegeen inuu burbur u gaystay xafiisyada Masjidka.

Booliska ayaa markii uu soo gaarey Masjidka waxaa ay baaritaano ku sameeyeen ciddii ka dambeysay hadallada u muuqdo naceyb ee lagu qoray darbiyada Masjidka.

Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka kula xiriirtey Sheekh Maxamed Cabdirisaaaq Wardheere, oo loo yaqaano, Sheekh Maxamed Shabeel oo ah imaamka Masjidka, waxna ka weydiisay dhacdadan.

Masjidka Soomaalida ee St. Paul oo la weeraray
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:45 0:00


XS
SM
MD
LG