Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Dib u dhiska Gaza waxaa ku bixi kara $50 bilyan


Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in dagaalka ka socda Marinka Gaza uu 40 sano dib u celiyay horumarkii halkaasi ka socday, waxaana dib u dhiska Gaza ku kici doona balaayiin dollar sanado badan.

Abdullah Al-Dardaari, oo ah Agaasimaha Xafiiska waddamada Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa yiri, "Barnaamijka soo kabashada hore ee saddexda sano ah ee lagu celinayo boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah hoy ku meel gaar ah oo ku yaala goobihii ay asal ahaan ka soo jeedaan iyada oo taageero bulsho oo dhamaystiran, ay ku kici doonto inta u dhaxaysa 2 ilaa 3 bilyan oo dollar."

"Dib u dhiska guud ee Gaza maanta, marka loo eego qiyaastayada, wuxuu u dhexeeyaa ugu yaraan 40 ilaa 50 bilyan oo doolar." ayuu raaciyay.

Al-Dardaari ayaa weriyayaasha kula hadlay magaalada Cammaan ee dalka Urdun, halkaas oo uu ku daahfuray warbixin cusub oo ay UNDP soo saartay oo ku saabsan saamaynta bulsho iyo dhaqaale ee la filayo ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, kaas oo Talaadadii toddoban bilood jirsaday.

Iska horimaadka ayaa khasaare u geystay nolosha Falastiiniyiinta, iyadoo in ka badan 34,000 oo qof ay ku dhinteen illaa 78,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza.

Bartamihii Abriil, Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawaca ay gaarayeen ugu yaraan 5% dadweynaha Gaza.

Dagaalka ayaa waxa uu dhulka la simay inta badan Gaza, isagoo dhaawacay ama burburiyay 370,000 oo guri iyo 9% hanti ma guurtada ah ee ganacsi.

UNDP waxay sheegtay in xitaa xaaladeeda ugu wanaagsan ay qaadan doonto 16 sano -ilaa 2040 - dib u dhiska guryihii burburay, iyada oo aan la dayactirin kuwa burburay. Haddii wakhtiga dib u dhiska uu raaco qaab la mid ah dagaaladii 2014 iyo 2021 ee u dhaxeeyay Xamaas iyo Israa’iil, warbixintu waxa ay leedahay, Gaza waxa ay u baahan tahay ku dhawaad 80 sano si ay dib ugu soo celiso guryihii burburay.

Wax-soo-saarka Falastiin ayaa sidoo kale si weyn dhibaato u soo gaartay tan iyo markii dagaalku billowday, isagoo hoos u dhacay 25% - ama ku dhawaad $7 bilyan.

Al-Dardaari ayaa sheegay in boqolkiiba 29 ay gaari karaan haddii dagaalku sii socdo ilaa bisha July.

Madal

XS
SM
MD
LG