Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Conservative-ka oo la filayo inuu guuldarro kala kulmo doorashada UK 


Saddex ra’yi ururin oo laga sameeyay Ingiriiska ayaa Arbacadi shalay muujiyay, in xisbiga talada haya ee Muxaafidka ee ra’iisul-wasaare Rishi Sunak, uu guuldarro ba’an kala kulmi doono doorashada guud ee 4-ta bisha July ka dhaceysa Britian.

Ra’yi ururintan saddexda ah oo si rasmi ah loo shaaciyay Arbacadi ayaa odoroseysa, in Xisbiga Mucaaridka ee Shaqaalaha uu si fudud ugu guuleysan doono doorashada, taas ka dhigi doonta in xisbiga Labour-ka uu talada Ingiriiska kusoo laaban doono 14 sano kaddib.

Ra’yi ururinta xarunta YouGov ayaa muujisay in xisbiga Labour-ka uu kuraasta baarlamaanka Britain ee ka kooban 650-ka uu kaga guuleysan doono 425 kursi, taasi ayaa noqon doonta tiradi ugu badneyd ee ay helaan taariikhda waa haddii ay dhacdo.

Qiimeynta Savanta ay sameysay ayaa iyaduna qiyaastay in Xisbiga Shaqaalaha ay baarlamaanka ka heli doonaan 516 kursi, halka ra’yi ururinta More ay muujisay in mucaaradka ku guuleysa doonaan 406 kurisi.

Madal

XS
SM
MD
LG