Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Duqeymaha Israel ee Gaza waxaa laga yaabaa in ay jabiyeen ‘shuruucda dagaalka’ 


Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi sheegay in duqeymaha Israel ay ka waddo Gaza "laga yaabo in ay si isdaba joog ah u jebiyeen mabaadi'da aasaasiga ah ee sharciyada dagaalka."

Warbixin uu Arbacadi shaaciyay xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay, in baaritaan lagu sameeyay ilaa lix duqeyn oo cirka ahaa oo ay ciidamada Israel ka fuliyeen Gaza inti u dhaxeyay bilihii October iyo December ee 2023-ki, lagu xaqiijiyay dilka in ka badan 200 oo ruux.

Duqeymahaas ayay warbixintu sheegtay in lala beegsaday dhismooyin ay shacab daganaayeen, iskuulli, suuqyo iyo xerooyin qaxooti oo dhammaantood ku yaalla Gaza.

Madaxa xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee QM Volker Türk ayaa sheegay in ay u muuqatay in Israa'iil aysan samayn isku day ah in ay si wax ku ool ah u kala soocado rayidka Falastiiniyiinta iyo dagaalyahanada Xamaas.

"Nolosha rayidka iyo kaabayaasha waa la ilaaliyaa" marka loo eego sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, ayuu yiri Turk. "Sharcigani waxa uu si cad u qeexayaa waajibaadka cad ee dhinacyada iskahorimaadyada hubeysan ka saaran in ay mudaanta siiyaan dhowrista rayidka."

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay, in lixdaasi weerar ay Israel u adeegsatay bambooyin culeyskoodu u dhaxeeyay 113 kilograms iyo 907 kilograms.

Duqeymaha iyo madaafiicda Israel ee Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay in ka badan 37,266 oo Falastiiniyiin ah, halka lagu dhaawacay 85,102 oo kale.

Madal

XS
SM
MD
LG