Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Armenia oo dal ahaan u aqqoonsatay Falastiin


Armenia ayaa si rasmi ah u aqqoonsatay dawladnimada Falastiin, sida ay Jimcihii sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia.

Armenia ayaa taageertay qaraar Qaramada Midoobay ay ka soo saartay xabad joojin deg deg ah oo lagu joojiyo dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas ee ka socda Gaza, waxaana uu dalkaasi taageersan yahay in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Falastiin iyo Israel, ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa u yeertay safiirka Armenia ka dib markii Armenia ay aqqoonsatay madaxbanaanida Falastiin, sida uu bayaan ku sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda.

Maamulka Falastiin, oo si xaddidan uga taliya Daanta Galbeed ee dhulka ay Israa’iil haysato ayaa soo dhaweeyay go’aanka Armenia.

“Aqqoonsigani waxa uu si togan uga qayb qaadanayaa ka dhabeynta xalka labada dawladood, kaasi oo wajahaya caqabado, waxaana uu kor u qaadayaa amniga, nabadda, iyo xasiloonida dhammaan dhinacyada ay khusayso,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada maamulka Falastiiniyiinta.

Spain, Ireland iyo Norway ayaa ka mid ah dalalka reer galbeedka ee sida rasmiga ah u aqqoonsaday madaxbanaanida dowladnimo ee Falastiin, taasi oo keentay in Israel ay bsihii hore kala baxdo safiiradeedii kala joogay Madrid, Dublin iyo Oslo.

REUTERS

Madal

XS
SM
MD
LG