Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuleel iyo huur daran oo laga dareemay Xeebaha Bari ee Mareykanka


Washington DC
Washington DC

In ka badan 100 milyan oo ruux oo ku nool guud ahaan Mareykanka, ayaa Axaddii shalay dareemay mowjado kuleel, huur iyo hanfi xad dhaaf ah oo la kowsaday xilligaan jiilaalka oo hadda bilow ah dalkan Mareykanka.

Meelaha sida daran looga dareemay kuleelka ayaa waxaa ka mid ah gobollada Xeebaha Bari ee Mareykanka, halkaas oo magaalooyinka qaar uu heer-kulka gaaray halki ugu sarreysay.

Magaalooyinka Baltimore iyo Philadelphia ayuu Axaddii shalay heer-kulka ku dhawaaday 100 degree oo feeranhayt oo u dhiganta 38 darajo oo ah halbeegga Salsiyas-ka.

Waxaa iyaguna kuleel daran uu shalay ka dhacay gobollada Idaho, Montana iyo. Halka maanta oo Isniin ah ay kuleel zaa’id ah dareemi doonaan goboollada Nebraska iyo Kansas, sida ay sheegtay Xarunta Qaranka ee Cimmiladda Mareykanka.

Dhanka kale, gobolka New Mexico, saraakiisha ayaa ka jawaabaya dhacdooyin ka dhashay cimmillada, kuwaas oo ay ku jiraan laba dab oo ka kacay keymaha gobolka, fatahaado iyo dabeylo bus wata.

Dabka New Mexico ayaa ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qof.

Madal

XS
SM
MD
LG