Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Israa'iil oo Gaza ku dilay 11 Falastiiniyiin ah


Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in laba weerar oo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil Isniintii ku weerareen xarumo gargaarka bani’aadannimo lagu keydiyo, ay ku dileen ugu yaraan 11 qof oo Falastiiniyiin ah.

Mid ka mid ah gantaallada ayaa lagu dhuftay xarunt gargaarka bani’aadannimo lagu qeybiyo oo ku taalla magaalada Gaza, gaar ahaan aagga xerada qaxootiga ee Shati, weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex ruux.

Duqeynta kale ayaa lalal eegtay meel u dhaw degmada Bani Suheyla ee koofurta Marinka Gaza. Ugu yaraan siddeed qof ayaa la xaqiijiyay in lagu duley duqeyntaasi.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Isra’il, oo horay loogu eedeeyay in ay beegsato xarumaha gargaarka bani’aadannimo, balse beenisay eedaahaasi, iyada oo ku eedeyso kooxaha kasoo horjeeda ee Gaza in ay ka dhax dagaallamaan meelaha ay rayidka degganyihiin.

Habeenimadii xalay, weerar cirka ah oo ay Israa'iil ka geysatay xarun caafimaad oo ku taal magaalada Gaza ayaa lagu dilay agaasimihii Ambalaaska iyo Waaxda Gurmadka ee Gaza, wasaaradda caafimaadka ee deegaanka ayaa sidaasi xaqiijisay. Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xamaas.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dilka Hani al-Jacfarawi uu ka dhigay tirada shaqaalaha caafimaadka ee ay dishay Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar ilaa 500. Ugu yaraan 300 oo kale ayaa ilaa hadda la xiray.

Madal

XS
SM
MD
LG