Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxaha ku dagaallamaya Sudan 'oo gaajada u adeegsada' hub dagaal


Khubarro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi shalay ku eedeeyay dhinacyada ku lugta leh colaadda sokeeye ee Sudan, in ay gaajada u adeegsanayaan sida hubka lagu dagaallamo.

Warkan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan digniinaha ay hey’adaha caalamiga kasoo saarayaan baahida daran ee ka jirta Sudan, taas oo ay ku sheegeen in ay qarka u saaran tahay in ay macluul isu baddasho.

Khubarrada warbixintan soo saartay oo si gaar ah ugu shaqeeya Guddiga Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa yiri:

"Ciidanka Millatariga Sudan iyo Kooxda Gargaarka Deg-degga labaduba waxay cunnada u isticmaalayaan hub ahaan waxayna gaajo ku dilayaan dad rayid ah, baaxadda gaajada iyo barakaca aan ku aragnay Suudaan maanta waa wax aan horay loo arag," ayay yiraahdeen.

Khubarrada ayaa ka digay in macluusha ay hadda aad u soo dhawaatay ka gadaal marki si ula kac ah loo hor istaagay cuntooyinka gargaarka bani’aadannimo si dadka loo gaajeysiiyo, in la weeraray ururrada bulshada rayidka ah halka qaar badan oo ka mid ah dadka dhaq-dhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha la xiray.

Warbixin uu soo saaray machadka Clingendael ayaa bishii hore lagu sheegay, in ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo ku nool Sudan ay gaajo u dhiman karaan dhammaadka Sebtembar, iyadoo qiyaastii 15% dadka ku nool gobollada Darfur iyo Kordofan ay u badan tahay inay yihiin kuwa ugu daran.

Warbixinta ayaa labada dhinac ku boorrisay inay "joojiyaan xannibaadda, bililiqada iyo ka faa'iidaysiga gargaarka bani'aadamnimada."

Sudan ayaa gunta u gashay dagaal sokeeye bishii April ee sannadki hore, kaddib marki muran u dhaxeeyay millatariga iyo kooxda sida milatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF uu isu baddalay gacan ka hadal.

14 bil oo dagaal ah, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dalka Sudan lagu dilay 14,000 oo ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30,000 oo kale. Malaayiin ayaa ku barakacay ama u qaxay dalal dibadda ah.

Madal

XS
SM
MD
LG