Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Bolivia oo ka badbaadday isku day afganbi


Bolivia Crisis
Bolivia Crisis

Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi shalay ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban.

Goor sii horreysay oo shalay ah, ayay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka.

Goob-joogayaal ayaa VOA-da u sheegay, in ay arkeen gawaari gaashaaman oo albaabka madaxtooyada xoog ku galaya iyo askar orod ku sii galeysa.

Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada, xilli ay boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah ku buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada.

Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga.

Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga.

Isku-daygi afganbi ee Arbacadi ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xiisadda siyaasadeed ee Boliva, kaddib marki ay madaxweyne Arce iyo madaxweynihi hore Evo Morales ay isku qabsadeen maamulka xisibiga talada haya. Arrintaasi ayaa dhalisay bannaanbaxyo sii xoogeysanaya oo ay taageerayaasha Morales dhigayaan.

Morales ayaa xakunka xoog looga tuuray sannadki 2019-ki, kaddib kacdoon dadweyne oo Bolivia ka dhacay, kaddib muddo tobnaan sano ah oo uu dalkaasi dhaca bartamaha Koofurta America soo xakumayay.

Wuxuu hadda doonaya inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee Bolivia ka dhaceysa sannadka 2025-ka.

Madal

XS
SM
MD
LG